TPLF oo doorosho heer deegaan ah qabsaneysa

GUDIGA FULINTA XISBIGA JABHADA TIGREEGA EE TPLF OO ANSIXIYEY INEY QABSADAAN DOORASHO HEER DEEGAANA OO WAKHTIGEEDI KU DHACAYSA.

Warxasafadeed ay hada soo saareen Xisbiga TPLF ayaan halkan idiinku soo koobeeynaa qodobadii ugu Muhiimsanaa ee ay ku dhawaaqeen.

1) Waxay Xisbiga Barwaaqada ku eedeeyeen inuu isku dayayo inuu xilka ku dheereyso sifo aan sharci ahayn oo ka baxsan Dastuurka.

2) Waxay Hoosta ka xariiqeen iney sharci daro tahay dadaalada Xisbiga barwaaqadu wado ee lagu turjumayo ama lagu fasirayo Dastuurka, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo Shirarka Sharciga baalmarsan ee Xisbiga barwaaqadu ugu yeedhay Turjumaada Dastuurka.

3) Waxay ku baaqeen in la yagleelo hanaan dhamaan xisbiyada dalka talada lagaga qayb galinayo si wadanka looga badbaadiyo dhibaato ku timaada.

4) Waxay sheegeen ineysan jirin Fursad Xisbiga Talada haya ee Barwaaqo uu dalka kusii Hogaamin karo waxa ka dambeeya 25-ka Meskarem.

5) Waxay ugu baaqeen Golaha Wakiilada Shacabka iyo Golaha Federation dalku iney Joojiyeen ficilada lagu burburinayo Dastuurka ee Sharciga baalmarsan ee ay ku hawlan yihiin Xisbiga Barwaaqadu.

6) Gudiga Fulinta xisbiga TPLF Ayaa ansixiyey iney qabsan doonaan doorasho heer deegaan ah oo wakhtigeedii ku dhacaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *