Abiy oo qaaday waddo kali-talisnimo iyo Ethiopia oo halis ugu jirta inay kala go’do

Farxaddii ka dhalatay magacaabistii Abiy Axmed ee Ra’iisul wasaaraha Ethiopia bishii April sanadkii 2018-kii, ayaa u muuqata inay mar hore daaqadda ka baxday.

Kadib sii deyntii maxaabiistii siyaasadeed, casuumaaddii uu u sameeyay dhaq-dhaqaaqyadii dibad joogga ahaa, heshiiskii uu la galay cadowgii mudadda dheer ee Eritrea, taas oo uu sanadkii 2019-kii ku helay Nobel Peace Prize, Abiy waxaa hadda la xarbinayaa joogteynta kala dambeynta iyo midnimada wadanka.

Labadii sano ee lasoo dhafay, isku dhac goboleed, mid isir iyo mid siyaasadeed ayaa hareeyay fekerka, awoodda iyo khayraadka, waxaana ku dhintay kumanaan, malaayiinna waa ay ku baro kaceen.

Go’aanka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee uu dib ugu dhigay doorashadii Ethiopia ayaa abuuray mashaakil dastuuri ah. Safmareenka COVID-19 waa waxaa lo cuskaday dib u dhigista laakiin ma’ahan sababta.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Ethiopia ee Oromo Federalist Congress iyo lixda xisbi ee ay xulafada yihiin ayaa diiday go’aanka Abiy Axmed, waxayna ku baaqeen wada hadal si loo helo xal siyaasadeed.

Xisbiga Tigrayga ee TPLF ayaa diiday dib u dhigista doorashadda waxaana uu sheegay in uu isu diyaarinayo doorashooyin gobol. Waxaa intaas ku dareen in tani ay meesha ka saareyso in si sharci darro ah ay awoodda ku heystaan dadka talada haya.

Dadka taxliiliya siyaasadda Ethioipia oo uu ka mid ayahay Rene LeFort ayaa sheegay in Abiy Axmed uu awoodda isku gaar yeelayo.

Waxaa ay sheegayaan in uu muujiyey astaamo uu ku noqonayo “ninka weyn” ee Ethiopia waxay ku qaadataba. Waxaana ka mid noqon kara in loo shaqeeyo si ka baxsan sharciga haddii ay lagama maarmaan noqoto.

Maamulka Abiy Axmed waxaa uu horumarro ka sameeyay furista gaab siyaasadeed. Dib u soo celinta cabsi gelinta iyo xarig wadareedka dadka mucaaradka ah ku ah waxay dib ugu celineysa maalmihii hore ee keligi talisnimada. Maamulkiisuna waxaa uu ku guul dareysanayaa in uu ka dhabeeyo balanqaadkiisii, waxaana uu si deg-deg ah ku luminayaa sharciyadiisii.

Dib u dhigista cod bixinta iyada oo aan la gaarin heshiis siyaasadeed waxaa ay noqon kartaa wareegii ugu dambeeyay. Gobolka Tigrayga ayaa ku dhaawaqay in ay u dareeri doonaan doorashooyinka gobolka. Guddiga Doorashooyinka iyo Abiy Axmed midna kama joojin karaan dadka Tigrayga in ay doorashooyinka qabsadaan.

Isku day kasta oo lagu joojinayo doorashooyinka iyadoo awood la isticmaalayo waxaa ay kala qaybin kartaa ciidanka Ethiopia. Iskudayga nuucaas ah waxaa uu sidoo kale keeni karaa in dadka gobolka Tigray ay adeegsadeen qodobka 39 aad ee dastuurka islamarkaana ay madaxbanaani ku dhawaaqaan.

Xisbiyo dhowr ah oo mucaarad ah oo uu ku jiro midka Oromada aya sidoo kale ku dhawaaqay in ay doorashada u dareeri doonaan wixii ka dambeeya 30-ka September. Waxay diideen in ay aqoonsadaan Dowlad sharci darro ah.

Sidaas darteed, xalku waa wada hadal siyaasadeed ee ma ahan “tarjumaadda” dastuurka. Heshiis laga gaaro xilliga cod bixinta iyo qaab maamulka wixii ka dambeeya September ilaa doorashadda xigta keliya waxaa ay ku imaan karaan wadahadal u dhaxeeya xisbiyada siyaasadda iyo ururadda bulshadda. Wixii intaas kasoo hara waxay Ethiopia gelineysaa mashaakilkii ugu darnaa taariikhda casriga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *