Sudan iyo itoobiya oo is mari la

Dowlada sudan ayaa ku laba kacleysay itoobiya kadib markii ay itoobiya isku day day in ay heshiis laga geesood ah kala saxeexdaan oo ku qotama wabiga nile

Dowlada sudan ayaa u muuqatay mid aan dhib ku qabin biya xireenka wabig anile ay ka dhisaneyso itoobiya kaas oo itoobiya uga gol leedahay in ay ka soo saarato quwad koronto oo aa aad u awoodbadan

Biya xireenka nile ee itoobiya looga yaqaano abay ayaa ah midka Africa u weyn hadii ay hir galiso oo ay dhamaystirto itoobiya waxay noqoneysaa wadan koronto ku filan leh oo waliba dhoofinkarta quwada korontada iyada oo ku talo jirta in ay gaarsiiso wadama badan oo Africa ka mid ah sida ilaaa Uganda iyo Somalia hase ahaatee tan iyo markii la hindisay dhismaha biyaxireenkan ayaa waxaaa walaac aad u wayn ka muujineysay dowlada masar oo ah uu wabigu u yahay isha kaliya ee kheyraadka beeraheeda iyo wax soo saarkeeda ku tiirsan yahay taasoo ilaa hada aan laga gaarin xal waara

Dhanka kale sudan ayaa marar sii horeysay sheegtay in ayna dhib ku qabin biya xireenka itoobiya balse badalkeeda ay ka faa iideyso quwada koronto ee ay ka dhaliso biyaha balse imika oo ah wakhti xassai ah waxaa waji aan horay looga baran la soo baxday dowlada sudan oo ka caga jiideysa in qalinka lagu xariiqo heshiis taariikhi ah oo dhex mara itoobiya iyo sudan oo ku qotama biya xireenka wabiga nile waxaana lagu balan Sanaa bilowga bishan in la saxiixo heshiiskaa balse sudan ayaa ka caga jiideysa oo aan ka ahayn arinta wabiga sidii markii hore ay raaliga uga ahayd taas oo lagu macneeyay in masar ay daba ka riixeyso

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *